Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Koofur Afrika oo ma saafurineysa Qaxooti Soomaali ah
    Somalia

    Koofur Afrika oo ma saafurineysa Qaxooti Soomaali ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Koofur Afrika ayaa xaqiijisay in ay masaafurineyso in ka badan 11,000 oo qof oo Ajanabi ah kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalkeeda.

    Ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay dalka Koofur Afrika intii u dhaxeysay bilihii April ilaa September ee sanadkan waxaanaay gacanta ku dhigeen 11,455 oo qof oo shari darro ku joogay Dalka Koofur Aftika.

    Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay weerarro ku qaadday Maqaayado, Hoteello, Bakhaarro, goobo ganacsi oo Jumlo iyo Tafaariikh ah iyo meelo kale islamarkaana xir xireen dad aad u farabadan.

    Dowladda ayaa sheegtay in dhamaan dadka la xir xiray ee sharci darrada ku jooga Koofur Afrika dib loogu celinayo dalalkooda.

    Bongani Bongo, oo ah Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha ee wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in dadka ay xireen u badanyihiin Waddamada kala ah; (DRC), Burundi, Nigeria, Somalia iyo Pakistan.

    Inta badan dadkaas ayaa codsi weydiistay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR waxaana ay ka codsadeen in ay dib u dejin u sameyso.

    Koofur Afrika waxaa ku nool qaxooti iyo magangalyo doon lagu qiyaasay 268,000 oo qof kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda dalalka kala ah; Somalia, Ethiopia, Zimbabwe iyo   DRC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.