Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro
    Somalia

    Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada.

    Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah.

    Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena.

    Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka ree Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hwada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah.

    Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada.

    Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.