Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyay ee dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland
    Somalia

    Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyay ee dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib dil xalay magaaladaas loogu geystay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Gobalka Mudug Maxamed Faarax Cowl.

    Dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan, kuwaas oo ka baxsaday Goobta dilka oo aheyd Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

    Ciidanka Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan howlgalada ka wada Xaafada garsoor, iyagoona beegsanaya aagag gaar ah, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

    Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal Amniga lidi ku ah, iyadoona todobaadkii hore lagu dilay Magaalada Taliyihii Kastamyada Gobalka Mudug ee Puntland Xasan Weyne.

    Illaa iyo hada Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland ee Gobalka Mudug, kaas oo ku aadan falalka ammaan-darro ee dib uga bilowday Magaalada oo bilihii ugu dambeeyay uu Amnigeedu wacnaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.