Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda oo Ciidamo Kumaandoos ah geysay Dhuusa-mareeb.
    Somalia

    Dowladda oo Ciidamo Kumaandoos ah geysay Dhuusa-mareeb.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo Kumaandoos ah ka dejisay saaka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, kuwaas oo diyaarado looga daabulay Magaalada Muqdisho.

    Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Kumaandooska ah ay gaarayaan lixdameeyo askari, waana ciidamo si gaar ah u tababaran, kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, wararka ayaana intaas ku daraya in Ciidamadan Kumaandooska ay hordhac u yihiin Wafdi ka socda Xukuumadda oo ku wajahan Dhuusamareeb.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb, waxaana socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta magaalada.

    Khilaafka siyaasadeed ee ay gashay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wehliyay dhaq dhaqaaqyo ciidan, kaddib markii magaalada ay soo buuxiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna, halka horay magaalada u joogeen Ciidanka Dowladda Federaalka.

    Xaalada ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga cabsi qabaa inay isku rogto mid dagaal, marka loo eego dhaq dhaqaaqyad labada dhinac, kuwaas oo ka dhashay Guddiyada Farsamo ee doorashooyinka Galmudug ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.