Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»UPDATE: Shirar Siyaasadeed oo ka socda Garoowe iyo Xaalada oo cakiran
    Somalia

    UPDATE: Shirar Siyaasadeed oo ka socda Garoowe iyo Xaalada oo cakiran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirar Siyaasadeed ayaa ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kuwaas oo ay lee yihiin Xildhibaano kasoo hor-jeeda Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Madaxtooyadda.

    Shirka ugu balaaran ayaa ka socda Madaxtooyadda, waxaana uu u dhexeeya Madaxweyne Deni, Xubno katirsan Xukuumadiisa iyo Saaxibadiisa dhow ee Siyaasadda.

    Shirarkan oo maalmihii ugu dambeeyay si joogta ah uga socday Garoowe ayaa sii xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii uu furmay Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada, kaas oo uu Madaxweynuhu saaka kaga soo baxay carro.

    Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa su’aal adag lagu weydiiyay furitaankii Kalafadhiga Saaka, isagoona si adag uga jawaabay Su’aashaas, sidoo kalena xubno xildhibaano ah ku eedeeyay inay doonayaan inay la shaqeysato Madaxtooyaddu taas oo uu ka biyo diiday, sida uu sheegay Madaxweyne Deni.

    Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan kulamada Siyaasadeed ee ka socda Magaalada Garoowe, iyadoona muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal-hayay mooshino ka dhan ah Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirada ugu saameynta Badan Xukuumadda Madaxweyne Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.