Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga+VIDEO
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

    “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

    Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

    Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.