Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka QM oo ka shiray Arrimaha Soomaaliya
    Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)
    Somalia

    Golaha Ammaanka QM oo ka shiray Arrimaha Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan yeeshay ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya,iyada oo Warbixino looga dhageystay  Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey oo ku saabsaneyd xaalada Soomaaliya.

    Warbixinta safiirka ayaa waxaa kamid aheyd Waxqabadka Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta soomaaliya, hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo in Al-Shabaab iyo Kooxaha kale ee ka dagaalama Soomaaliya in uusan hubka gacanta u gelin.

    Kadib warbixinta Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Goluhu waxaa uu sidoo kale ka hadlay kaalmooyinka ay siiyaan Soomaaliya iyo sida weli Al-Shabaab Qatar ugu tahay Ammaanka iyo Dhaqaalaha badan ay xilligaan helaan.

    Kulanka ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray caqabadaha ka taagan diidamada dowladda federaalka ay diidey la Shaqeynta Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya.

    Kuxigeenka Madaxa ergada Britain ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay sida uu u arko Go’aanka ay dowladda Federaalka ku diidey  la Shaqeynta Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta dhinaca hubka.

    “Ma ahan mid la aqbali karo in Soomaaliya aysan la Shaqeyn Guddigaan intii uu dhisnaa,guddoomiyaha iyo guddiga qabiirada eee golaha waxaa ay isku dayeen inay la xaaajoodaan dowladda Somalia si xal loo helo,waxaana aaminsanahay in Guddiga iyo Golaha ay fursad u heystaan inay horumar sameeyeen si caqabada uga gudbaan ay u baahan yihiin la Shaqeynta Dowladda Soomaaliya.

    La-taliye sare oo dhinaca Diblumaasiyada ah kaan socday dowladda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ku raacsan yahay saaxiibadiisa kale ee Jarmalka iyo Britain ee ku aadan in dowladda Somalia diiday inay la Shaqeyso golaha Khabiirada ee la socda Guddiga cunaqabateynta,waxana uu sheegay in marnaba ka hari doonin inay dowladda Soomaaliya ogolaato la Shaqeynta Guddiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.