Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo War cusub kasoo saartay Xariga Wasiir Janan+VIDEO
    Somalia

    Jubbaland oo War cusub kasoo saartay Xariga Wasiir Janan+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

    Waxaa uu ugu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir.

    Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in hadii la siideyn waayo Wasiirka cawaaqib xumada ka dhalata uu masโ€™uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-dii Bishii Agoosto ee sanadkaan 2019 waxaa ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, iyada oo lagu Eedeeyey xadgudub dhanka baniโ€™aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.