Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha+Sawirro
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

    Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin.

    Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka.

    Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.