Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QORMO: Furitaankii Golaha Wakiiladda Puntland iyo Khaladkii dhacay!!
    Somalia

    QORMO: Furitaankii Golaha Wakiiladda Puntland iyo Khaladkii dhacay!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida uu qabo Dastuurka Puntland iyo Xeer hoosaadka golaha Masuul kasta oo xasaanad leh barlamaanku waa la xisaabtami karaa Sida Madaxwayne, Gudoomiye barlamaan, Wasiir iyo Masuul kasta oo goluhu xasaanad siiyo iyadoo la raacaya Xeer hoosadka golahaoo dhigaya,
    Habraaca_Hadalka.

    1.Gudoomiyuhu wuxuu Xildhibaanada u sheegayaa in Su’aaluhu furan yihiin, markuu ogalaansho ka helo masuulka golaha hor yimid, inuu diyaar u yahay su’aalaha, haduu ka cududaarto masuulku waqti kala la siinayaa.
    Hadii u masuulku diyaar u yahay Su’aalaha, gudoonku wuxuu farayaa xoghayaha in la diwaan galiyo, dhamaan Xildhibaanada diyaarka u ah Su’aalaha, iyagoo mid mid loo xaadirinayo,

    Mudane Kasta wuxuu xaq u leeyahay 3 daqiiqo inuu su’aalihisa kusoo gudbiyo,

    Qodobka 26-aad wuxuu qabaa,

    1. Mudane Kasta waa inuu ilaaliya haybada iyo Sharafta golaha, kana dhawr sanaada falalka aan wanaagsanayn

    2. Xildhibaanku Waa inuusan ku xadgubin, Caayin, handadin, ku gabood falin Masuul ama Muwaadin kasta oo dhex jooga Xarunta golaha isla markaana usan carqaladayn shaqada golaha,

    Qodobka 28-aad

    1.Mudane kasta waa inuu ka fogaado ku dhaqaaqida hadal sababi kara kicin dadwayne, Colaad, kacdoono bulsho, kuwaaso dhamaan ah Fal danbiyeed,intaas kadib

    Maxaa Khaldamay ?

    Gudoomiye Dhoobo ma raacin habraacas, mana diwaan galin mudanayaasha, khudbadihii kalfadhiga waa soo koobay, taas badal keeda wuxuu si ula kac makarafoonka ugu gacan galiyey xildhibaano abaabulan oo u diyaarsanaa inay golaha dhexdiisa wareer iyo buuq ka dhaco si jahwareer golaha dhexdiisa uga bilaabato taasoo u eg tii barlamaankii 2004 kenya dawladii Cabdulahi_yuusuf,

    Waxayna fursad kalumiyeen mudanayaasha kale ee qabay su’aalaha iyo bulshada Puntlandba oo u diyaarsanaa dhagaysiga su’aalaha iyo jawaabaha,

    Waxaana oran karaa Madaxwayne Siciid Deni sidii ugu wanaagsanayd buu u xakameeyey, buuqaas haduu sii socon lahaana wuxuu yeelan karay waji kale oo Puntland, Sumcad xumo ku ah madaamada marti fara badan oo UNka iyo #beesha caalamkaba goob joog ahaayen, Saxaafaduna live ahayd oo dal iyo dibad laga daawanayey,

    Talo

    Gudoomiye dhoobo iyo golaha waxaan kula talinayaa in la ilaasho Midnimada iyo Wadajirka Puntland, kuna shaqeeyaan Xeer hosaadka iyo dastuurka Puntland.

    W/Q: Maxamed Axmed Jaceel oo kamid ahaa Baarlamaankii Hore ee Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.