Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QORMO: Furitaankii Golaha Wakiiladda Puntland iyo Khaladkii dhacay!!
    Somalia

    QORMO: Furitaankii Golaha Wakiiladda Puntland iyo Khaladkii dhacay!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida uu qabo Dastuurka Puntland iyo Xeer hoosaadka golaha Masuul kasta oo xasaanad leh barlamaanku waa la xisaabtami karaa Sida Madaxwayne, Gudoomiye barlamaan, Wasiir iyo Masuul kasta oo goluhu xasaanad siiyo iyadoo la raacaya Xeer hoosadka golahaoo dhigaya,
    Habraaca_Hadalka.

    1.Gudoomiyuhu wuxuu Xildhibaanada u sheegayaa in Su’aaluhu furan yihiin, markuu ogalaansho ka helo masuulka golaha hor yimid, inuu diyaar u yahay su’aalaha, haduu ka cududaarto masuulku waqti kala la siinayaa.
    Hadii u masuulku diyaar u yahay Su’aalaha, gudoonku wuxuu farayaa xoghayaha in la diwaan galiyo, dhamaan Xildhibaanada diyaarka u ah Su’aalaha, iyagoo mid mid loo xaadirinayo,

    Mudane Kasta wuxuu xaq u leeyahay 3 daqiiqo inuu su’aalihisa kusoo gudbiyo,

    Qodobka 26-aad wuxuu qabaa,

    1. Mudane Kasta waa inuu ilaaliya haybada iyo Sharafta golaha, kana dhawr sanaada falalka aan wanaagsanayn

    2. Xildhibaanku Waa inuusan ku xadgubin, Caayin, handadin, ku gabood falin Masuul ama Muwaadin kasta oo dhex jooga Xarunta golaha isla markaana usan carqaladayn shaqada golaha,

    Qodobka 28-aad

    1.Mudane kasta waa inuu ka fogaado ku dhaqaaqida hadal sababi kara kicin dadwayne, Colaad, kacdoono bulsho, kuwaaso dhamaan ah Fal danbiyeed,intaas kadib

    Maxaa Khaldamay ?

    Gudoomiye Dhoobo ma raacin habraacas, mana diwaan galin mudanayaasha, khudbadihii kalfadhiga waa soo koobay, taas badal keeda wuxuu si ula kac makarafoonka ugu gacan galiyey xildhibaano abaabulan oo u diyaarsanaa inay golaha dhexdiisa wareer iyo buuq ka dhaco si jahwareer golaha dhexdiisa uga bilaabato taasoo u eg tii barlamaankii 2004 kenya dawladii Cabdulahi_yuusuf,

    Waxayna fursad kalumiyeen mudanayaasha kale ee qabay su’aalaha iyo bulshada Puntlandba oo u diyaarsanaa dhagaysiga su’aalaha iyo jawaabaha,

    Waxaana oran karaa Madaxwayne Siciid Deni sidii ugu wanaagsanayd buu u xakameeyey, buuqaas haduu sii socon lahaana wuxuu yeelan karay waji kale oo Puntland, Sumcad xumo ku ah madaamada marti fara badan oo UNka iyo #beesha caalamkaba goob joog ahaayen, Saxaafaduna live ahayd oo dal iyo dibad laga daawanayey,

    Talo

    Gudoomiye dhoobo iyo golaha waxaan kula talinayaa in la ilaasho Midnimada iyo Wadajirka Puntland, kuna shaqeeyaan Xeer hosaadka iyo dastuurka Puntland.

    W/Q: Maxamed Axmed Jaceel oo kamid ahaa Baarlamaankii Hore ee Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.