Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray Shacabka Fatahaaduhu saameeyeen.
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray Shacabka Fatahaaduhu saameeyeen.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019Updated:October 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

    Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno.

    Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah. Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.