Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmahaan halkaasi ku sugan iyo hoggaanka ugu sareeya Ahlusunna Wal-Jamaaca.

    Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna loogu celin lahaa xeryahooda, isla markaana laga dhex saaro gudaha Magaalada,kuwaas oo soo galay,kadib xiisad Siyaasadeed oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb taas oo u dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna.

    Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha la xiriira guddiga doorashada Galmudug maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ay kala Magacaabeen laba Guddi doorasho iyo dhismaha Galmudug.

    Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ku heshiiyeen in Ciidamada Dowladda & kuwa Ahlusunna la geeyo Xeryahooda,isla markaana Amniga Magaalada kaliya lagu wareejiyo Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya.

    Dhowr jeer oo hore ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna waxaa ay yeesheen kulamo xasaasi ah,kuwaas oo badankood aan waxba kasoo bixin,waxaana kulankii ugu dambeeyey oo ay dhawaan yeesheen uusan kasoo bixin wax natiijo ah taas oo keentay in Sheekh Shaakir uu Magacaabo Guddi doorasho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.