Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maaweylada Xukuumadda iyo Maahsanaanta Shacabka Puntland (Wadada Gaalkacyo-Garoowe)+Maqaal
    Somalia

    Maaweylada Xukuumadda iyo Maahsanaanta Shacabka Puntland (Wadada Gaalkacyo-Garoowe)+Maqaal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019Updated:October 29, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dad Reer Puntland ee ku safra Wadada xariirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa wajahaya xaalado adag iyo niyad jab hor leh, kaddib markii ay soo shaac baxeen saacadihii lasoo dhaafay warar sheegaya inuu fashilmay Mashruuca lagu dhisayo Wadadan markii labaad.

    Xogo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya inuu mashruucan uu mar kale u fashilmay kaddib markii Xukuumadda Puntland ay fulin weyday Shuruudo uu ku xiray Midowga Yurub oo la filayay inuu bixiyo Lacag €6 Milyan oo Yuuro ah oo lagu wajiga hore ee Mashuuraca oo ah ‘Jalam-Xarfo’ maadama uu fashilmay Mashruucii hore.

    Shuruudaha lagu xiray Xukuumadda Madaxweyne Deni!

    Midowga Yurub ayaa ka dalbaday Xukuumadda Puntland inay fuliso qodobo dhowr ah, si ay u soo celiyo Qoondadiisii Mashruuca, kaddib markii uu fashilmay Mashruuca xilligii Xukuumaddii Hore ee Madaxweyne Gaas.

    Shuruudaha uu dalbaday Midowga Yurub ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Puntland ay ka wajeeriso waddooyinkii horey uu ugu fashilmay, sida

    1: In Meesha laga saaro Shirkadda Is-xilqaan oo horey gacanta loogu galiyay Mashruucan.

    2: In Dowladda Puntland ay qabato tartan daah-furan oo loo gelayo qaadashada Mashruucan.

    Shabakadda Idil News ayaa ogaatay in Xukuumadda Puntland ay ku guuldareysatay inay fuliso Shuruudahan oo ahaa kuwo aad u fudud, waxaana Dowladdu ku guul-dareysatay in Meesha laga saaro Shirkadda Is-xilqaan oo iyadu Shuruud ka dhigtay in loo celiyo Lacag dhan 1.5 Milyan oo dollar oo ay sheegtay inay ka uga baxday bilowgii Wadadan.

    Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu balanqaaday 700,000 oo Dollar oo uu sheegay inuu qiimeyn ay saameeyeen ku ogaadeen inay ka baxday Shirkadda Is-xilqaan, taas oo ay Shirkaddu diiday, waxaana Puntland ay ku guul-dareysatay bixin 800,000 ee ay sheeganayso Shirkaddan caqabada ku ah dhismaha Wadadan ama inay u madho jidad kale inay ka hor wareejiso Mashruucan.

    Daneyn la,aanta Baarlamaanka Puntland ee Xaalada Wadadan!

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo shalay ansixiyay Ajendaha ay ku shaqeynayaan Kalafadhiga 45-aad ee Golaha, ayaan kusoo darin qodobada ay ka doodayaan fadhiyadooda, waxaana taas bedelkeeda ay Ajendahooda kusoo dareen Wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland.

    Sidoo kale, Xildhibaanada ayaan is-weydiin xaaladaha ka taagan Wadadan, taas oo qarka u saaran in Bulshada Reer Puntland ay ka door bidaan inay diyaaraddo u kala raacaan Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayna sababto Dhaqaale xumo soo wajahda Mandiqadda.

    Xildhibaanada ayaa taa bedelkeeda u muuqda inay xooga saarayaan sidii ay iyagu u abuuran lahaayeen fursado dhaqaale iyo inay abuuraan Mawjado Siyaasadeed sida Mooshino, soo dad-dajiya Mushaar kordhin loo sameeyo oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dadaal ugu jireen.

    Maxaa la gudboon Shacabka Puntland!

    Burburka iyo dayaca sanadihii ugu dambeeyay ka jiray Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaa ay saameyn balaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo Caafimaadka ah ku reebtay Guud Bulshada Reer Puntland.

    Degmooyin iyo Degaano badan oo saarnaa Wadada ayaa hada noqday lama degaan ay isaga Barakaceen Dadkii ku noolaa, kaddib markii ay waayeen dhaqaalahoodii, oo awalba ku tiirsanaa Gaadiid iyo Bulshada isticmaali jirtay Wadada.

    Degaano ay kamid yihiin Bilcil iyo Faratooyo ayaa la isaga guuray, halka Magaalooyinka waa weyn ay la daalaa-dhacayaan Dhaqaale xumo iyo inay kacday qiimihii Maciishada.

    Sidoo Kale, Waxaa kacay Shirkaddo waa weyn oo ganacsi, oo ay lahaayeen Dad Reer Puntland ah iyadoona ay ku burbureen Gaadiid fara-badan oo nolal maalmeedkooda ay ka heli jireen Darawalada oo u badan dhalinyaro shaqo abuur ay u ahaayeen.

    Shacabka Reer Puntland waxaa la gudboon inay sameeyaan Dibad-baxyo ay ku muujinayaan in aysan raali kasii ahaan karin Xaaladaha kasii daraya saacadba saacada ka dambeysa iyo duruufaha iyo diifta ay ka dhaxleen Dayaca Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

    Gunaanad.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo furitaankii Kalafadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ka hadlay waxaa uu sheegay inay soo cesheen Mashruucan, ayna ka taageerayaan Midowga Yurub iyo Bangigag Hormarinta Africa, si waafi ha u cadeeyo bilaabashada Mashruucan.

    Madaxweyne Deni waxaa hadii kale loogu fadhiyaa inuu Shacabka si dhab ah ula wadaago Caqabadaha fashiliyay Mashruucan iyo inuu ku baaqo Isku-tashi Bulsho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.