Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka Dalka Shiinaha oo Safar dhulka ah ku tegey Dangorayo, Raka-raaxo iyo Eyl+Sawirro
    Somalia

    Safiirka Dalka Shiinaha oo Safar dhulka ah ku tegey Dangorayo, Raka-raaxo iyo Eyl+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weftiga waxaa Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Axmed Bashiir Muuse, waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud, masuuliyiinta iyo hawlwadeenada shirkadda CCECC iyo masuuliyiin kale.

    Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo masuuliyiinta safarka ku wehelinaysey ayaa waxa ay shafarkooda shaqo ka bilaabeen kormeer ay ku sameeyeen burburka gaadhey wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhismaheeda labilaabidoona bisha dambe November 2019, ayna dhisidoonto shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxa ay u gudbeen weftigu degmada Dangorayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

    Sidoo kale weftiga ayaa u sii kicitimay magaalada Qurxis oo hore loo oran jirey ( Qarxis ) soo dhoweyn balaadhan iyo Kormeer ay ku sameeyeen goobta uu yaallo qalabka dhismaha Wadada laamiga ah ee Dangoroyo iyo Eyl ayaa waxa ay u sii gudbeen degmada taariikhiga ah ee Eyl soo dhoweyn kadib Safiirka iyo Wasiirada ayaa kormeeray goobta laga dhisidoono Marsada Kalluumaysi ee dhowaan laga hergelindoono degmadaasi. Dhismaha marsadani ayaa waxa ay qayb ka ahayd shaqooyinkii muhiim ka ahaa ee usoo qabsoomay Madaxweyne Deni safarkii uu dhowaan ku tegey dalka Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.