Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Degaano uu Webigu ku fatahay (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Degaano uu Webigu ku fatahay (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019Updated:October 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

    Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool.

    Waxaa la xidhay dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan.

    Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay in Dowladu ay garab istaagayso si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

    Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada oo fatahaadu ay saamayn ku yeelatay gaar ahaan deegaanka Goobweyn halkaas oo Madaxweynahu uu ka balan qaaday in balaarin iyo dib u habayn lagu samaynayo iskuulka Goobweyn isagoo mid mid u kormeeray fasalada iskuulkan.

    Deegaano kale oo katirsan Gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe ayay sidoo kale fatahaadu saamaysay iyadoo Maamulka Gobolka Gedo iyo Bulshada ay iska kaashanayaan sidii khasaaraha ka dhashay fatahaada wax looga qaban lahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.