Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shaakir “Dilka Al-bagdaadi waa Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah”
    Somalia

    Sheekh Shaakir “Dilka Al-bagdaadi waa Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa ka hadlay dilka loo geystay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuubabar Al Baqdaadi oo Sabtidii lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Mareykanka ka fuliyeen  tuulo ku dhow magaaladda Idlib.

    Sheekh Shaakir oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa geerida ninkan ku sheegay iney tahay mid faa’ido u ah dhamaan dadka Muslimiinta ah, isagoo sheegay inuu dhibaato ku hayay dalalka Caalamka.

    “Dhimashada uu dhintay ninkii ahaa Cadawga Islaamka,Cadawga Insaaniyada,Cadawga Bini’aadamka oo la dhihi jiray Abuubakar Al-Baqdaadi, waxa uu ahaa Axad dunida dhibaateeyay, waxaan leenahay gacan waliba haku boxo laakiin waxaa weeye Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah, Faa’ido u soo hoyatay Insaanka” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

    Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sii hadlaya ayaa Abuubabar Al Baqdaadi ku sifeeyay shaqsi aan kala saareynin dadka oo aanu u kala saareynin Muslin iyo Gaal, taasoo uu sheegay iney tahay mida keentay in Caalamka oo dhan si isku mida u soo dhaweeyaan.

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa noqonayaa mas’uulkii u horeeyay ee Soomaaliyeed ee ka hadla geerida Al-Baqdaadii oo dalkan ay ka joogaan Koox aan Kun dagaal yahan gaarsiisneyn oo sheegata iney tahay farac hoostagta dowladda Khilaafada Islaamka (ISIS).

    Ninkan la dilay oo magaciisa dhabta ah lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, ayaa sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad waxaana la rujeysan yahay in xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii uu ahaa wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda, kaas oo uu ka ahaa Mu’adin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.