Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Sidee Garoowe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland (Daawo Sawirro)
    Somalia

    VIDEO: Sidee Garoowe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland (Daawo Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo iyo mid khaas ahba ugu maqnaa dalka debeddiisa, gaar ahaan ahaan qaar kamida wadamada Qaaradda Yurub, waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Goleyaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka bilowday markii hore shirkii maalgashiga Puntland, isla markaana uu dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka maalgashiga Turkiga ee Africa, Madaxweyne Karaash waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu socdaal shaqo iyo mid khaas ah-ba ku maray dalal kale oo qaaradda Yurub ka tirsan.

    https://www.facebook.com/Yusufabdishire1998/videos/409249246415629/

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay inuu la kulmay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaar kamid ah dalalka Yurub, gaar ahaan kuwa Puntland oo si ballaaran u soo dhoweeyey Madaxweynaha, isla markaana uu la wadaagay horumarka ka socda Puntland iyo nabadgelyada dalka taalla, arrintaasi oo ay si wayn ula dhaceen, kuna bogaadiyeen dowladda.

    Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka Tacsiyeeyey dadkii ku dhintay waxyeelada Fatahaadda Wabiga Shabeelle, waxaaana uu bogaadiyay dedaalada gurmad ee ay bilaabeen shacabka Puntland, taas oo ah mid lagu yaqaan Puntland iyo shacabkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.