Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Sidee Garoowe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland (Daawo Sawirro)
    Somalia

    VIDEO: Sidee Garoowe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland (Daawo Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo iyo mid khaas ahba ugu maqnaa dalka debeddiisa, gaar ahaan ahaan qaar kamida wadamada Qaaradda Yurub, waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Goleyaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka bilowday markii hore shirkii maalgashiga Puntland, isla markaana uu dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka maalgashiga Turkiga ee Africa, Madaxweyne Karaash waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu socdaal shaqo iyo mid khaas ah-ba ku maray dalal kale oo qaaradda Yurub ka tirsan.

    https://www.facebook.com/Yusufabdishire1998/videos/409249246415629/

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay inuu la kulmay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaar kamid ah dalalka Yurub, gaar ahaan kuwa Puntland oo si ballaaran u soo dhoweeyey Madaxweynaha, isla markaana uu la wadaagay horumarka ka socda Puntland iyo nabadgelyada dalka taalla, arrintaasi oo ay si wayn ula dhaceen, kuna bogaadiyeen dowladda.

    Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka Tacsiyeeyey dadkii ku dhintay waxyeelada Fatahaadda Wabiga Shabeelle, waxaaana uu bogaadiyay dedaalada gurmad ee ay bilaabeen shacabka Puntland, taas oo ah mid lagu yaqaan Puntland iyo shacabkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.