Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga iyo Ruushka ‘oo howlgallo wadajir ah ka bilaabaya’ Suuriya
    Somalia

    Turkiga iyo Ruushka ‘oo howlgallo wadajir ah ka bilaabaya’ Suuriya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in militeriga dalkiisa iyo kuwa Ruushka ay si wadajir ah howlo roondo ah uga sameyn doonaan waqooyi-bari dalka Suuriya, ka dib marka ay dagaalamayaasha Kurdiyiintu isaga baxaan aaggaasi, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis ay madaxda Ruushka iyo Turkigu kala saxiixdeen.

    “Waxa aan bilaabi doonnaa howlgal wadajir ah maalinta jimcaha ah” ayuu Erdogan ku sheegay khudbad laga baahiyay telefeshinnada dalkaasi maanta oo arbaca ah.

    Heshiiskan ayaa dhigayay in ciidamada dalalka Turkiga iyo Ruushka ay si wadajir ah u roondeeyaan waqooyi-bari Suuriya iyadoo maleyshiyada Kurdidu ay kaga bexeen aagaasi waqtigii loo qabtay oo afar cisho ah kuna ekeyd talaadadii.

    Heshiiskan Ruushka iyo Turkigu ay ku qeybsanayaan maamulka aaggan waqooyi-bari Suuriya ayay madaxweynayaasha labada dal todobaadkii hore ku gaareen magaalada kulaasha Badda Madow ee Sochi ee dalka Ruushka.

    Wasiirka gaahaandhigga ee Ruushka ayaa talaadadii sheegay in tobonaan kun oo ah dagaalamayaasha Kurdiyiinta ay dhameystireen ka bixistooda aggaasi.

    Hase ahaatee Erdogan ayaa sheegaya inuu hayo xogo ah in ka bixitaanka Kurdiyiinta ee aaggaasi aanan si buuxda loo fulinin.

    Weerar uu Turkigu ku qaaday waqooyi-bari Suuriya ayaa dhamaaday ka dib heshiiska ay wada gaareen madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka. Hase ahaatee Erdogan ayaa hoosta ka xarriqay in Turkigu uu xaq u leeyahay inuu qaado howlgallo u gaar ah waa haddii buu yiri ay xooggaga Kurdiyiintu sii joogaan aaggaasi amaba ciidamada dalkiisu ay la kulmaan weeraro.

    Ciidamada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ahaa xoogag xulufo la ahaa isbahaysigii uu Mareykanku hoggaaminayay ee muddo 5 sano ah ka waday Suuriya howlgal military oo lagu jebiyey kooxda ISIS.

    Horraantii bishan ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu si kedis ah ugu dhawaaqay ka soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee waqooyi-bari Suuriya taasi oo albaabka u furtay in ciidamada Turkigu ay aaggaasi weeraraan.

    Kurdiyiinta ayaa islamarkiiba raadiyay caawinaadda dowladda Ruushka iyo maamulka Bishaar Al-Assad ee fadhigiisu yahay magaalada Dimishiq.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.