Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ganacsatada Jubbaland oo Khasaare kasoo gaaray Xayiraaddii ay DFS saartay Kismaayo.
    Somalia

    Ganacsatada Jubbaland oo Khasaare kasoo gaaray Xayiraaddii ay DFS saartay Kismaayo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ganacsatadda degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Khasaare weyn uu kasoo gaaray Xayiraadii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhawaan saartay Magaalada Kismaayo Duulimaadyada Aada iyo kuwa ka yimaada.

    Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen khasaraha ka dhashay xayiraadas, oo uu sheegay in Khasaare Ballaaran uu kasoo gaaray Shacabka Magaalada Kismaayo.

    Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dukaamada lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya, shirkdaha diyaaradaha, ganacsiga quutur daruuriga, isbitaallada, huteellada, waxbarashada, warshadaha yaryar iyo waliba makhaayadaha.

    โ€œQof walba tabartiisa ayuu khasaaray, tusaale ahaan huteellada bishii soo xareyn jiray 30 kun oo doolar, waxay na tuseen in ay soo xareyeen intaas barkeeda, waxayna arrintan aad u saameysay isbitaallada oo waxaan tagnay isbitaallo shaqada ka eryay shaqaalihii, dadkaas na waxaa ku hoos noolaa dad kale oo arrintaa ay saameysayโ€, ayuu yiri Shaafi Raabi oo la hadlay BBC.

    Khasaaraha guud ayuu ku tilmaamay in uu gaarayo boqolkiiba konton dakhligii soo geli jiray ganacsatada.

    โ€œQiimeyn ayaannu sameynay, oo xitaa huteellada waxay na tuseen in sariiraha ay cidlo yihiinโ€, ayuu yiri Shaafi.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in dhammaan diyaaradihii tagi jiray ama ka bixi jiray Magaalada Kismaayo ay sii maraan ama soo maraan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.