Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ganacsatada Jubbaland oo Khasaare kasoo gaaray Xayiraaddii ay DFS saartay Kismaayo.
    Somalia

    Ganacsatada Jubbaland oo Khasaare kasoo gaaray Xayiraaddii ay DFS saartay Kismaayo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ganacsatadda degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Khasaare weyn uu kasoo gaaray Xayiraadii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhawaan saartay Magaalada Kismaayo Duulimaadyada Aada iyo kuwa ka yimaada.

    Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen khasaraha ka dhashay xayiraadas, oo uu sheegay in Khasaare Ballaaran uu kasoo gaaray Shacabka Magaalada Kismaayo.

    Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dukaamada lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya, shirkdaha diyaaradaha, ganacsiga quutur daruuriga, isbitaallada, huteellada, waxbarashada, warshadaha yaryar iyo waliba makhaayadaha.

    “Qof walba tabartiisa ayuu khasaaray, tusaale ahaan huteellada bishii soo xareyn jiray 30 kun oo doolar, waxay na tuseen in ay soo xareyeen intaas barkeeda, waxayna arrintan aad u saameysay isbitaallada oo waxaan tagnay isbitaallo shaqada ka eryay shaqaalihii, dadkaas na waxaa ku hoos noolaa dad kale oo arrintaa ay saameysay”, ayuu yiri Shaafi Raabi oo la hadlay BBC.

    Khasaaraha guud ayuu ku tilmaamay in uu gaarayo boqolkiiba konton dakhligii soo geli jiray ganacsatada.

    “Qiimeyn ayaannu sameynay, oo xitaa huteellada waxay na tuseen in sariiraha ay cidlo yihiin”, ayuu yiri Shaafi.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in dhammaan diyaaradihii tagi jiray ama ka bixi jiray Magaalada Kismaayo ay sii maraan ama soo maraan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.