Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Carabta oo dalbaday in Cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya.
    Somalia

    Baarlamaanka Carabta oo dalbaday in Cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019Updated:October 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta,kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood.

    Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya.

    Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021.

    Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Carbeed ay amaaneyn dadaalka ay dowladda ugu jirto la-dagaalanka Al-Shabaab,guulaha ay kasoo hoysay arrimaha dhaqaalaha,la-dagaalanka musuq maasuqa iyo sare u qaaadida mashaariicda lagu hormarinayo Caafimaadka iyo Waxbarashada.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in siweyn looga hadlay faragelinta dowladaha Shisheeye ay Soomaaliya kala kulmeyso,sidoo kalena Baarlamaanka Carbeed ay QM ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran si ay tayeynta Ciidamadeeda kor ugu qaado si ay u hesho ciidan ku filan ilaalinta Badeeda, Barigeeda iyo hawadeeda.

    Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Baarlamaanka Carbeed uu ugu baaqay Madaxda Dowladda federaalka iyo xoogaga siyaasada in doorashada xiligii loogu talo galay ay ku dhacdo, iyada oo la ilaalinayo Cadaaladda.

    Ugu dambeyn Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Carabta ayaa waxa ay uga hadleen xiisada ka dhex-aloosan qaar kamid ah dalalka Carbeed,sida Suuriya iyo Ciraaq taas oo siweyn ay ugu kala qeyb-sameen Baarlamaanka Carbeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.