Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Fatahaadaha Wabiyadda Soomaaliya
    Somalia

    Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Fatahaadaha Wabiyadda Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

    James Swan; ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha.

    Ambassador; Swan, ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto.

    “Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan.

    Mr: Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.