Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay Kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay Kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

    Ugu horayn waxaa golahu ay ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland kuwaas oo la kulmay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo Bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda isla markana fariintii Dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd.

    Dhinaca kale golahu waxay ka hadleen xaalada fatahaadaha iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish laga dhagaystay saamaynta ilaa hada ka dhalatay iyo qorshaha Wasaarada ee sidii gurmad loogu fidin lahaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyadoo uu Wasiirku xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyn laga gaadhay isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay.

    Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee Bulshadu ay u baahan tahay waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka.

    Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo kasocda guud ahaan Jubbaland iyadoo hada shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.