Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaalada Itoobiya oo kasii dareysa iyo 78 Ruux oo ku geeryootay Rabshadaha.
    Somalia

    Xaalada Itoobiya oo kasii dareysa iyo 78 Ruux oo ku geeryootay Rabshadaha.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa saxaafada xafiiska Raisul wasaaraha itoobiya Tilahun Neguse oo maanta saxaafada gudaha lahadlay ayaa sheegay in ilaa hada la,xaqiijiyay dhimashada 78 qof oo ku nafwaayay rabshado iyo iskudhacyo diimeed iyo kuwa qoomiyadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Oromiya.

    Mr. Tilahun ayaa intaasi kudaray in ilaa hada xabsiga loo taxaabay dad gaadhaya 409 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka qaybqaateen isku dhacyada iyo dilalka fooshaxun ee dhawaan deegaanka Oromiya ka dhacay.

    Mar wax laga waydiiyay sababta ay dawladu usamayn wayday kahortag kahor intayna dhibaatadu dhicin ayuu ku jawaabay inay jiraan kooxo aaminsan inay sharciga kasareeyaan iyo kuwo lidi ku ah isbadalka dalka balse xitaa Raisul wasaarahu uuna sharciga ka saraynin.

    Dhanka kale wuxuu sheegay inay dawladu siiwadayso sharci horkeenida dadka falkan lugta ku leh kadib marka baadhitaanadu dhamaadaan, wuxuuna intaasi raaciyay in talaabo laga qaadayo saraakiisha kaladuwan ee haayadaha amaanka ee aan shaqadooda kasoo bixin iyo falkan lugta ku lahaaba.

    Abiye Ahmed , LAMMA Magersa iyo Madaxweynaha Oromada oo ku sugan magaalada Ambo ee deegaanka oromada ayay shacabka Magaaladu banaanbax ka dhan ah kala hortageen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.