Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beledweyne: Kaalmo la gaarsiiyay Dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga
    Somalia

    Beledweyne: Kaalmo la gaarsiiyay Dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne.

    Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne.

    “Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid Dhuusamareeb, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno” ayuu yiri  Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale.

    Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne.

    Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.