Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo Mohammed Bin Salman iyo Lindsay Lohan ?+Warbixin
    Somalia

    Ma dhab baa inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo Mohammed Bin Salman iyo Lindsay Lohan ?+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan.

    Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado.

    Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan.

    Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna.

    Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl.

    Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.”

    Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.