Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Beledweyne
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Beledweyne

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw madaxtooyada.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa u kuur galaya xaaladda cakiran ee ka jirta Magaalada Beledweyne oo ay harqiyeen biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah dalka.

    Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u gaaray Magaalada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku qulqulaya gaadiid sida agabyo kala duwan iyo raashin gurmad loogu fidinayo dadka reer Beledweyne oo u baxay daafaha magaalada, iyadoo wali la soo sheegayo in ay jiraan dad ku goโ€™doonsan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u tagay Magaalada Beledweyne bishii April ee 2018-kii, xilligaas oo fatahaado kuwan ka yar uu Webigu Ku sameeyay Magaalada, isagoona xiligaas sheegay in Dowladda Federaalku ay wax ka qabaneyso Fatahaadaha Wabiga ee kusoo laab laabatay Beledweyne.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.