Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Beledweyne
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Beledweyne

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw madaxtooyada.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa u kuur galaya xaaladda cakiran ee ka jirta Magaalada Beledweyne oo ay harqiyeen biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah dalka.

    Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u gaaray Magaalada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku qulqulaya gaadiid sida agabyo kala duwan iyo raashin gurmad loogu fidinayo dadka reer Beledweyne oo u baxay daafaha magaalada, iyadoo wali la soo sheegayo in ay jiraan dad ku go’doonsan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u tagay Magaalada Beledweyne bishii April ee 2018-kii, xilligaas oo fatahaado kuwan ka yar uu Webigu Ku sameeyay Magaalada, isagoona xiligaas sheegay in Dowladda Federaalku ay wax ka qabaneyso Fatahaadaha Wabiga ee kusoo laab laabatay Beledweyne.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.