Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Beledweyne u tagay u kuur galidda xaaladda baniโaadanimo ee ka jirta magaalada oo ay saamayn balaaran u gaysatay fatahaadii uu ka sameeyay wabiga Shabeelle.

Gurmad loo fidinayo dadka reer Beledweyne ayaa guud ahaan ka socda dalka, waxaana haatan markii ugu horeysay sidii ay u bilaawdeen fatahaaduhu gaaray magaalada Beledwyne Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.