Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lala beegsaday duqeyn culus.
    Somalia

    Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lala beegsaday duqeyn culus.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay ay ka dhacday duqeyn lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

    Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaya in Bartilmaameedka duqeyntaas ay aheyd xarun ay ku kulan sanaayeen saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo iskaga kala yimid goobaha ay dalka ka Maamulaan.

    Nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Filow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa sida la sheegay Jubbooyinka ayuu dhaawac ka soo gaaray duqeynta, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

    Sidoo kale, Meel duleedka ka ah Jilib gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaramka, waxaa la sheegay in isla xalay ay diyaaraduhu duqeyn ka geysteen, halkaas oo fariisimo ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

    Kolonyo gaadiid ah ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday duqeyntaas, waxayna saraakiishu sheegeen in Aadan Geedi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arimaha gaashaandhigga lagu dilay duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka.

    Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobalka Jubbada Dhexe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.