Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo war kasoo saaray Xaalada Dhuusamareeb
    Somalia

    Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo war kasoo saaray Xaalada Dhuusamareeb

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu baaq ka soo saaray xaalada Galmudug oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

    Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug ay kasoo daaleen colaad iyo isfaham la’aan ka dhex-jirta , isla markaana xilligaan aysan u baahneyn colaad.

    “Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato,waxaana dadka reer Galmudug ay ka reebeen asaagooda dowlad gobaleedyada kale ayuu yiri”C/Kariin Guuleed.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib-darro tahay in iyada oo lagu guda jiro dhismaha Galmudug colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan,isaga oo ka soo saaray baaq ka kooban Saddex qodob,kuwaas oo kale ah.

    1. In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.
    2. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

    3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.