Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiy Ahmed: 86 qof ayaa ku dhintay Rabshadaha Dalkeena Itoobiya
    Somalia

    Abiy Ahmed: 86 qof ayaa ku dhintay Rabshadaha Dalkeena Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 4, 2019Updated:November 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisal Wasaaraha Abiy Ahmed oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.Abiy ayaa arintan ka sheegay shir jaraa’id Axaddii  shay, waxaana 86 -da  qof ee dhintay uu sheegay in ay ka mid ahaayeen  Dumar iyo 10 ka tirsan ciidanka Booliiska

    Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas.

    “Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yiri Abiy Axmed.

    Wuxuu sidoo kale Abiy wacad ku maray in tallaaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

    Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay dibadbaxyo ballaaran oo rabshado horseeday kaddib markii Jawaar Maxamed oo ah nin saameyn ku leh dalkaas uu ku dhawaaqay in noloshiisa ay halis ku jirto isla markaasna ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqon rabto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.