Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee duqeyn ka dhacday Gobalka Mudug
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee duqeyn ka dhacday Gobalka Mudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

    Duqeymahaan oo ay fuliyeen Diyaarado aan la garaneyn heybtooda ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana dad ku sugan Koonfurta Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha.

    Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen Degaanka Deeqlo hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ee Koonfurta Gobolka Mudug.

    Duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen tuulada Jiracle oo dhaw degaanka Caad oo ku yaala Koonfurta Gobalka Mudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.