Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran oo ku dhawaaqday inay kordhineyso Awooda Warshadaha Nukliyerka
    Somalia

    Iran oo ku dhawaaqday inay kordhineyso Awooda Warshadaha Nukliyerka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa maanta daah furay mashruuc hor leh oo lagu hormarinayo warshadahooda Nukliyeerka.

    Madaxweyne Ruuxaani waxaa uu sheegay inay rakibayaan in ka badan kun warshadood oo dheeraad ah si ay u tayeeyaan warshadaha Nukliyeerka dalkiisa waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay qorshahooda ay ku doonayaan inay hormar ka sameeyaan awoodooda Nukliyeer.

    Gaaska Yuuraniyaamka ayuu Madaxweynuhu sheegay inay kordhin ku sameeyeen si wax soo saar badan loo soo saaro.

    Khudbad uu Madaxweynaha Iran telefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in xukuumadiisu ixtiraamayso heshiiskii 2015, hase ahaatee ay qaateen go’aanka ah inay warshadahooda hormariyaan.

    Madaxa hay’adda atoomikada dalka Iran Cali Akbar Saalixi ayaa asna sheegay in nooca qalab ay hadda adeegsanayaan uu 10 jeer ka sareeyo noocii hore.

    Dawladaha ku jira ururka midawga Yurub ayaa xukuumadda Tehran weydiistay inay miiska wada hadalka kusoo laabato si heshiis looga gaaro muranka jira

    Maraykanka ayaa Dawladda Iran uga baxay heshiiskii Nukliyeerka sanadkii hore waxaana uu saaray cuna qabatayn dhaqaale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.