Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland: Kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenu ku tisqaadeen (Sawirro+VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland: Kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenu ku tisqaadeen (Sawirro+VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019Updated:November 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay qalin bedelashada ardayda dufcadda 7-aad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

    Ardayda qalin bedelatay ayaa dhan 190 arday, waxaana ay ka kala bexeen todoba kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha Jaamacadda. Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, Ismo, nabadoono, waalidiin waxgarad iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Deni ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda ka qalin bedelatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

    “Runtii waa maalin farxad weyn waa maalin aan la qaybsanayno ardayda waxbarashada heerka koowad ka gudubtey ee 190 ka ah, kuwaasi oo bartay kulliyadaha kala duwan ee bulshadu u baahan-tahay iyo waalidkii kusoo tiir iyo tacab beelay oo wakhtiga badan geliyey, waxaan idinla qaybsanaynaa farxaddaas, runtii maanta waa maalin dowladda Puntland farxad u ah, waxaad ogtihiin markii Puntland 1998 la aasaasay oo dalka dowlad, kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenuna sidan u tisqaadeen”

    “Guulaha aan gaadhney waxaa kow ka ah dhismaha dowladnimada, taas ayaa sahashey inaan helno Jaamacado. Waajibka la rabo inay shacabka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ilaaliyaan waa nabadda iyo dowladnimada oo lagu fara adaygo, horumarka aan rabno inaan tiigsano labadaas baa saldhig u ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmamaay in waxbarashadu tahay shayga ugu muhiimsan ee horumar gaadhsiin kara bulsho, waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in laga guuro fekerka ah in dadkoo dhan u shaqeeyaan dowladda, ayna ku bedelaan fekerkaasi fursado kale oo ka faa’iido badan, dalkana gaadhsiin kara horumar, sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan habluhu waxbarashada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey ardayda inuu ku anfaco cilmiga ay barteen, kana yeelo kuwii wax ugu qabta cilmiga ay barteen dalkooda iyo bulshadooda, waxaana uu marlabaad hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisey. Ugu dambayna waxa uu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore gashay abaalmarino.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.