Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socota olalaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ?
    Somalia

    Maxaa kala socota olalaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olalaha Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiim Axmed Maxamed “Dhoobo-daareed”, waxaana kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Hotelada Magaalada Garoowe.

    Mooshinkan oo ay hor-boodayaan Wasiiro katirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Xildhibaano, ayaa qorshihiisu yahay in todabaadka soo socda la hor-geeyo Golaha Wakiilada Puntland, si codka Xasaanada loogu qaado Guddoomiyaha.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in illaa iyo hada ay mooshinkan saxiixeen mudanayaal gaaraya 26 Xildhibaan, kuwaas oo diidan hab-dhaqanka Guddoomiye “Dhooba-daareed”.

    “26 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Dhooba-daareed, kuwaas oo diidan Hab-dhaqanka Guddoomiyaha, sidoo kalena ku eedeynaya ku takri-falka Awooda Golaha iyo marin habaabinta Ajandayaasha Golaha Wakiilada Puntland” ayuu yiri Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo la hadlayay Shabakadda Idil News.

    Dadaalo uu waday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni lana doonayay in lagu baajiyo mooshinkan oo muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay ayaa gabi ahaanba fashilmay, kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanku ka dhaga adeegay tallooyin uu u soo jeediyay Madaxweynaha oo ay ugu horeysay inuu ka tanaasulo qodobada Xildhibaanadu kuu eedeynayaan iyo inuu Golaha ka daayo nin jeclaysiga, sida uu inoo sheegay Mudane kamid ah Golaha Wakiilada.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.