Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dhowaan bilaabayso bixinya Shatiyadda Shidaalka
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dhowaan bilaabayso bixinya Shatiyadda Shidaalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bisha soo socota ee December ee dhamaadka sanadkan ku dhawaaqi doonta bixinta shatigii u horeeyay ee shidaalka Soomaaliya ee laga sahmiyay Xeebaha dalka.

    Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Soomaaliya ay dooneyso inays oo jiidato shirkadaha maalgashiga ee caalamka

    Isagoo ka qeyb galayay shir ka dhacay magaalada Capa Town ee dalka Koofur Afrika ayuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan illaa 15 xirmooyin shidaalka ah, isagoo xusay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020.

    Waxaa uu sheegay in sahankii dhowaan la sameeyay xeebaha dalka ay 15-ka xirmo ee ay soo bandhigayaan ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo Fuusto.

    Mr C/rashiid ayaa sheegay in halka laga helay xirmooyinkan cusub ay ka fog yihiin goobta lagu mursan yahay ee xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo haatan dacwada labada dal u dhaxeysa ay taalo Maxkamadda ICJ.

    Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhowaan saxiixi doono sharciga shidaalka oo haatan horyaala Aqalka Sare, lana filayo inuu maalmaha soo socda ansixiyo.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan ku soo bandhigtay magaalada London sahanka laga sameeyay Xeebaha Soomaaliya oo lagu ogaaday inay shidaal ku jiraan, waxaana xirmooyinka la soo bandhigay ay yihiin kuwo uu shidaal ceegaago oo laga yaabo in shirkado badan ay aad ugu loolamaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.