Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qiimaha la iibiyo saacadda iyo faraantiga amiirka Al-Shabaab+Warbixin
    Somalia

    Qiimaha la iibiyo saacadda iyo faraantiga amiirka Al-Shabaab+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay muuqaal dheer oo ay baahisay kooxdiisa gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

    Inkasta oo si toos ah aan loo arkeyn wajigiisa, Abuu Cubeyda, ayaa sida caadada ah waxa uu muuqaalka ku bilaabayaan codkiisa.

    Fariintiisa oo si toos ah ugu socotay shacabka Mareykanka ee canshuurta ku taageera ciidamadooda ayaa wuxuu u sheegayaan “in ay dib eegis ku sameeyaan halka iyo qaabka ay ku baxdo lacagahooda”.

    Axmed Diiriye oo Amiirka Al-Shabaab ah tan iyo 2014-kii ayaa muuqaalka waxaa kaliya lagu arkayaa gacmahiisa iyo garbaihiisa.

    Labadaas qeybood ayaa soo muuqanaya xili uu la kulmayo dagaalameyaashii qaadey weerarkii Balidoogle ee 30-kii September, sanadkan 2019.

    Gacmahiisa waxaa kasoo muuqanaya laba shey, kuwaas oo kala ah Saacad iyo Faraanti kana sameysan qalin, sidda ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

    Baaritaan dheer kadib ayaa lassoo ogaaday qiimaha suuqyadda caalamka ay ka joogaan iyo macluumaadyo kale oo muhiim ah.

    Faraantiga

    Sidda laga soo xigtay xeel-dheereyaasha, Faraantiga ayaa ka simeysan dhegax lagu magacaabo Aqeeq, kaas oo laga helo qaybo kamid ah caalamka.

    Badi Faraantiyadda noocaan ah ayaa lagu sameeyaa lagana helaa wadamadda Yemen, India, Germany iyo qeybo kamid ah qaaradda Latin America.

    Dadka Carabta aad ayey u jacel yihiin Faraantigaan si gaar ah midabka Orange-ga, iyaga oo u yaqaana magaca “midadkii nolosha”.

    Qiimaha uu suuqyadda caalamka ka jooga ayaa waxaa ay ku xiran tahay hadbka culeyskiisa, midabkiisa iyo tayadda uu leeyahay.

    Tusaale ahaan marka uu yahay 925 sterling silver, waxaa qiimaha uu ka joogo suuqyadda caalamka uu noqoyaa 100 illaa iyo 300 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

    “Khuraafaadka” ku xeeran xirashadda Faraantiga ka sameysan dhagaxa Aqeeq ayaa waxaa kamid ah in qofka uu siinayo raaxo, caafimaad kana saarayo baqdinta.

    Saacadda

    Nuuca saacadda uu xiran tahay Abuu Cubeyda oo midabkeedu yahay madow ayaa waxaa sanadkii 1868 sameeyay nin lagu magacaabo Patek Philippe kaas oo u dhashay Switzerland.

    Saacadda oo inta badan ay xirtaan darawaladda baabuurta ayaa la jaan-qaadeysa heerka wadnaha qofka, xawaaraha uu ku socdo iyo aalad hubineysa heer-kulka ruuxa wata.

    Tani ayaa waxay imaaneysaa xili Axmed Diiriye Cumar lagu waramayo in “caafimaadkiisu liito”. Wallow ay jiraan sheegashooyinkaan, wali Al-Shabaab si furan ugama hadlin.

    Marka laga hadlayo suuqyadda caalamka, qiimaha ay Saacadan, oo loo yaqaano Sports Watch, ka joogto waxaa lagu sheegay 599$ [Shan boqol iyo sagaashan iyo sagaal oo Doollar,] sidda laga soo xigtay bogag kala gedisan.

    Xigasho: Garowe Online

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.