Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dalbaday Lacag si uu isku casilo
    Somalia

    XOG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dalbaday Lacag si uu isku casilo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), kaas oo ay wadaan Mudanayaal katirsan Golaha Wakiilada Puntland.

    Mooshinkan oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa hadal-heyntiisu taagneyd tan iyo wixii ka horeeyay furitaanka Kalafadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay 26 bishii hore ee October, wallow ay jireen dadaalo ay wadeen Isimo iyo Siyaasiyiin oo la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Guddoomiyaha iyo Xubnaha labada Gole ee is khilaafsanaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

    Abaabulka Mooshinkan oo horey uga Madax-banaana Madaxweyne Deni ayaa dhowaan waji kale yeeshay kaddib markii Guddoomiye Dhoobo-daareed uu ka dhaga adeegay Talooyin uga yimid Madaxweynaha, sidoo kalena uu Deni ku eedeeyay inuu tuhmayo inuu isugu ka dambeeyo Mooshinka.

    Wararka ayaa sheegaya in Mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Dhoobo-daareed ay saxiixeen 31 Xildhibaan, lana filayay in todobaadka soo socota loo gudbiyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa.

    Sidoo kale, Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu jiro Wada-hadal u socda Madaxtooyadda iyo Guddoomiye Dhoobo, isagoona dalbaday in la siiyo dhaqaale si uu isku casilo, iyadoona ay jiraan kulamo ka socda Madaxtooyadda oo looga hadlayo dalabka Mr. Dhoobo-daareed.

    Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa fasax Saddex maalin ah maanta galiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyadoona talaabadaas ay u muuqato mid uu doonayo inuu isaga yeero culeysyada saaran.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.