Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay Guddoomiye Dhoobo
    Somalia

    WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay Guddoomiye Dhoobo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaah Wakiilada oo kulan aan caadi aheyn ku leh xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhooba-daareed.

    Kulanka oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan, ayaa waxaa Shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate C/caziiz, iyadoona Golaha la hor-dhigay Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Dhooba-daareed oo ay saxiixeen 44 mudane.

    49 xildhibaan ayaa ogalaatay xil ka qaadista Guddoomiyaha, 4 xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdulaahi.

    Xildhibaanada ka gudbiyay Mr. Dhooba-daareed Mooshinka xilka looga qaaday ayaa ku eedeeyay, arrimo ay kamid yihiin:

    1: In uu xarunta Golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

    2: In uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

    3: In uu awooddii Golaha uga faaโ€™idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hayโ€™adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

    4:In guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.