Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay Guddoomiye Dhoobo
    Somalia

    WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay Guddoomiye Dhoobo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaah Wakiilada oo kulan aan caadi aheyn ku leh xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhooba-daareed.

    Kulanka oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan, ayaa waxaa Shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate C/caziiz, iyadoona Golaha la hor-dhigay Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Dhooba-daareed oo ay saxiixeen 44 mudane.

    49 xildhibaan ayaa ogalaatay xil ka qaadista Guddoomiyaha, 4 xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdulaahi.

    Xildhibaanada ka gudbiyay Mr. Dhooba-daareed Mooshinka xilka looga qaaday ayaa ku eedeeyay, arrimo ay kamid yihiin:

    1: In uu xarunta Golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

    2: In uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

    3: In uu awooddii Golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

    4:In guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.