Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Shir u dhexeeya DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo furmaya+VIDEO
    Somalia

    Garoowe: Shir u dhexeeya DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo furmaya+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 8, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka looga hadlayo sidii loo dhameystiri lahaa Shuruuc Shan ah oo kasoo gudubtay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wadatashi laga sameeyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa ka furmaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Guddoomiyaha Maaliyadda, Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sanoter Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) iyo Xubno ka socday dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa soo gaaray shalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Madaxweynihii Hore ee Puntland ahna Senator katirsan Golaha Aqalka Sare Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa wafdiga soo dhaweeyey, waxaana ay halkaasi u tageen shir ka furmaya Magaalada Garoowe.

    Sanoter C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Shuruuucda Shanta ah ee soo martay Golaha Shacabka kala tashanayaan Dowlad goboleedayda laga bilaabay Puntland.

    Sanoter Cabdi Axmed Dhuxuloow  ayaa sheegay inay qasab noqotay in shuruucdaan markii ay kasoo dhamaatay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya wadatashi lagala yeesho Dowlad goboleedyada oo ay iyaga matalayaan.

    Maalinta berito ah oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xubnaha ka socda Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare iyo Xubnaha Dowlad Goboleedyada in uu shirka uga furmo Magaalada Garoowe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.