Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo la sheegay inay uga biireen DFS
    Somalia

    Jubbaland oo ka hadashay Ciidamo la sheegay inay uga biireen DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Ciidamo dhawaan sheegay inay ka goosteen Jubbaland ayna ku biireen dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar.

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay  jiraanka Cidamo uga biiray Dowladda Federaalka, balse aysan ahayn wax weyn.

    “Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

    210 askari oo ka tirsanaa ciidammada uu fadhigoodu yahay Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana hoostagta Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa la sheegay inay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Dadka saadaliya Is-bedelada Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya ayaana rumeysan in talaabadaas ay dhabar jab ku aheyd Madaxweyne Farmaajo iyo Hamigiisii Soyaasadeed ee ku aadana in Is-bedel taageersan laga sameeyo Jubbaland, maadama uu nidaam beeleed adeegsada, si uu jajabiyo Midnimada Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.