Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AFRICOM oo ka jawaabtay war kasoo baxay Hoggaamiyaha Al-Shabaab+Akhriso
    Somalia

    AFRICOM oo ka jawaabtay war kasoo baxay Hoggaamiyaha Al-Shabaab+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Mareykanka ayaa ka hadlay muuqaalkii  ugu dambeeyay ee ay baahisay Al shabaab,kaas oo uu laga duubay Hoggaamiyaha Al shabaab Axmed Diiriye Cumar Abuu Cubayda oo sagootiyay dagaalameyaashii fuliyey weerarkii Balidoogle, kaas oo dhacay bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

    Agaasime ku xigeenka howlgalada ee taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo soo gaabiyo Miguel Castellanos, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al shabaab ee ah in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidanka Maraykanka, wallow uu xaqiijiyey dhaawaca hal askari oo Ameerikaan ah.“Marka ay dharbaaxo ku dhacdo argagixisadda waxa ay isku dayaan in ay ku qariyaan been abuur,” ayuu ku yiri maqaal uu ku daabacay wargeyska arrimaha ciidamadda ka faalooda ee Military Times.

    Maqaalka oo lagu bogaadiyey howlgalada ka dhanka ah xarakadda Al shabaab iyo deegaanada laga qabsaday, ayna wadaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ciwaan looga dhigay “Beenta waxaan kaga hortageynaa runta”

    Sidda laga soo xigtay Castellanos, gulufkii Balidoogle, waxay dileen ciidamadda Soomaaliya 13 Al-Shabaab ah oo duulaanka soo qaaday,iyaga oo qarxiyey saddex gaari oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

    “Sawirro ayey soo bandhigi lahaayeen si loo xaqiiqsado,” ayuu raaciyey.Al shabaab bishii September ee sanadkan 2019, waxa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya,kuna tababaro ciidanka Danab ee Balidoogle.halkaan ka aqriso Maqaalka Africom.

    https://www.militarytimes.com/opinion/commentary/2019/11/08/countering-lies-with-truth-battling-terrorist-propaganda-in-east-africa/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.