Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sierra Leone oo xil weyn ka heshay Howlgalka AMISOM
    Somalia

    Sierra Leone oo xil weyn ka heshay Howlgalka AMISOM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyaha Booliska cusub ee AMISOM kaas oo shaqada billaabay Jimcihii shalay.

    War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa xilka Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM qeybtooda Booliska loogu magacaabay Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone.

    Francisco Madeira, oo ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa Howlgalka AMISOM ayaa u hambaleeyay taliyaha cusub ee shalay shaqo billaabay.

    Booliska AMISOM ayaa tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay dabagal ku sameeyaan howlaha Booliska Soomaaliya,waxaa ay kala qeybqaataan howlgallada qaarkood, iyagoona ay kala taliyaan howlgallada qaar.

    Kailie, ayaa dhinaciisa sheegay in Beesha Caalamka ay dalkiisa ka bixisay dagaallo sokeeye oo socday 1991dii ilaa sanadkii 2002dii, isaga oo ka faaโ€™ideysanaya qibradahaasna uu awooddiisa isugu geynayo sidii guul looga gaari lahaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ee uu hadda ka ahay Taliyaha cusub.

    โ€œaad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib u celiyo abaalkii Beesha Caalamka ku garab istaagtay dalkeyga xilligii adkaa ee dagaallada sokeeye, wax weyn ayuu noo taray dadaalkii beesha Caalamkaโ€ ayuu yiri taliyaha cusub ee Booliska AMISOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.