Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sierra Leone oo xil weyn ka heshay Howlgalka AMISOM
    Somalia

    Sierra Leone oo xil weyn ka heshay Howlgalka AMISOM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyaha Booliska cusub ee AMISOM kaas oo shaqada billaabay Jimcihii shalay.

    War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa xilka Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM qeybtooda Booliska loogu magacaabay Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone.

    Francisco Madeira, oo ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa Howlgalka AMISOM ayaa u hambaleeyay taliyaha cusub ee shalay shaqo billaabay.

    Booliska AMISOM ayaa tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay dabagal ku sameeyaan howlaha Booliska Soomaaliya,waxaa ay kala qeybqaataan howlgallada qaarkood, iyagoona ay kala taliyaan howlgallada qaar.

    Kailie, ayaa dhinaciisa sheegay in Beesha Caalamka ay dalkiisa ka bixisay dagaallo sokeeye oo socday 1991dii ilaa sanadkii 2002dii, isaga oo ka faa’ideysanaya qibradahaasna uu awooddiisa isugu geynayo sidii guul looga gaari lahaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ee uu hadda ka ahay Taliyaha cusub.

    “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib u celiyo abaalkii Beesha Caalamka ku garab istaagtay dalkeyga xilligii adkaa ee dagaallada sokeeye, wax weyn ayuu noo taray dadaalkii beesha Caalamka” ayuu yiri taliyaha cusub ee Booliska AMISOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.