Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muran ka dhashay Natiijada Tirakoobka Dadka Kenya+Warbixin
    Somalia

    Muran ka dhashay Natiijada Tirakoobka Dadka Kenya+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Kenya waxaa la soo saaray dhawaan natiijada tirakoobkii dalkaasi laga sameeyay,waxaana arrintan ka dhashay muran iyada oo ay jiraan qaar ka mid ah qoomiyadaha oo dareemaya in natiijada ay tahay mid aan sax ahay islamarkana aanay xaq ahayn.

    Sida ku cad natiijada tirakoobka waxaa dalka Kenya imika ku nool shacab gaaraya 47.6 milyan , taasi oo micnaheedo tahay in tan iyo 2009-kii ay tirada ku darsantay 9 milyan.Balse qaar ka mid ah gobolada ayaa waxaa hoos u sii dhacday tirada dadka ku noolaa.

    Nitiijadan ayaa waxaa ka dhalan kara muran, sababtoo ah tirada shacabka ku nool gobolada kala duwan ayaa ah mid muhim u ah dhaqaalaha ay dowladda ka helayaan .

    Bulshada Kenya ayaa ka kooban qowmiyado kala duwan taasi oo sidoo kale ku qotanta xisbiyada siyaasada ku tartama.

    Dowladda wali ma aysan soo saarin dhammaan macluumaadka qowmiyadaha la xiriira, balse isbadalada tirada gobolada qaar ayaa waxaa durba ka dhashay muran.

    Natiijada ka soo baxda tirakoobka noocan ah ayaa wiiqi karta rabitaanka qaar ka mid ah qowmiyada ee dhanka matalaadda iyo kheyraadka.

    Mid ka mid ah deegaanadasi waa gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi Bari,waxay natiijadu muujinaysaa in tirada shacabka ay hoos u dhacday taasi oo sababtay inay su’aal ka keenaan hogaamiyayaasha deegaanadaas oo doonaya in dhaqaalihii la siin jiray uu sidii hore sii ahaado.

    “Macluumaadkan la soo saaray toddobadkan waa been abuur mana aha mid ku qotama u jeedooyiin,” ayuu yiri Adan Bare Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya.

    Waxaa uu ku dooday in ragga Soomaalida ay guursadaan wax ka badan hal xaas islamarkana la filayay in tirada dumarka ay aa u sareyso.

    Waaxda keydinta macluumaadka bulshada ee Kenya ayaa dhankooda difaacay sax ahanshiyaha natiijada ka soo baxday tirakoobkii la sameeyay.

    Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa ka gudbay in tirakoobka la sameeyo iyada oo warqado iyo qalin la adeeegsanayo waxaana taa badalkeeda ay u gudbeen qaabka casriga ah oo ay dadka macluumaadkooda ku buuxiyaan foomam internetka ah.

    Dalka Kenya ayaa waxaa tirakoobka fuliyaa saraakiil guri guri u booqanaya islamarkana macluumaaka ka qoraya dadwaynaha.

    In macluumaadka la uruuriyo ayaa mararka qaar ah mid adag islamarkana bulshooyiinka qaar ayaan dowladda ku aaminayn in ay siiyaan macluumaakooda shiqsiga ah.

    Natiijada ka soo baxda tirakoobka ayaa saamayn ku yeelan karta muwaadiniinta dalka ku nool guud ahaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.