Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyneyaashii Hore oo u duulay Beledweyne iyo Kheyre oo ka baaqday.
    Somalia

    Madaxweyneyaashii Hore oo u duulay Beledweyne iyo Kheyre oo ka baaqday.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafdigii Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa u dhoofay garoonka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaddib muddo saacado ah oo lagu xanibay garoonka Diyaaradaha Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.

    Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, ayna wehlinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale, ayaa saaka lagu xayiray amar kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin kamid ah Maamulka Garoonka.

    Go,aankan ayaa sababtay jawhareer, waxaana madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa ay diyaaradda ka raacaan.

    Sababtii saaka loo xayiray Madaxdii Hore ayaa ka dambeysay kaddib safar lagu waday inuu Beledweyne ku taggo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo markii dambe ka baaqday.

    Dhacdadii saaka ayaa u muuqatay loolan labada dhinac, ee dowladda iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka, waxaana dad badan ay dhaliileen tallaabada siyaasadeysan ee lagu hor-istaagay wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee gurmadka u waday Beledweyne.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.