Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bolivia: Hoggaamiyaha mucaaradka Jeanine Anez oo sheegtay madaxweyne-nimo.
    Somalia

    Bolivia: Hoggaamiyaha mucaaradka Jeanine Anez oo sheegtay madaxweyne-nimo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed.

    Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay.

    Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu ahaa mid aanan helin tiradi loo baahnaa.

    Bolivia ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran tan iyo inti uu xilka madaxtinimada iska casilay Morales. Kaddib marki uu shalay ka dagay Mexico, ayuu Evo Morales u mahadceliyay madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo uu ku sheegay inuu yahay qof badbaadiyay noloshiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.