Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo sheegay inuu kordhin doono Taageerada uu siiyo Soomaaliya+Sawirro
    Somalia

    Turkiga oo sheegay inuu kordhin doono Taageerada uu siiyo Soomaaliya+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kulan kula qaadatay Magaalada muqdisho Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

    Kulanka oo saacado badan ayaa waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Arrimaha,Abaaraha, fatahaadaha oo soo noqday ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyaga oo isku raacay in laga wada Shaqeeyo.

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga gacan siiyo sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo dhibaato xoogana u geysta Bulshada.

    Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa waxaa uu Wasiir Fowsiya uga mahad celiyey kulanka ay la qaadatay,isaga oo sheegay in Wasaaradda uu kala Shaqeyn doono waxyaabaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo sidoo kalena ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

    Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya,isla markaana saaxiibka dhow la’ah,waxaana ay gurmadyo xoogan soo gaarsiiyeen markii Soomaaliya ay ka dhaceen waxyaabo ay kamid ahaayeen abaartiii sanadkii 2011 iyo qaraxyo ay dad ku waxyeeloobeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.