Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Cawad oo u jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya+WAREYSI
    Somalia

    Wasiir Cawad oo u jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya+WAREYSI

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray dhigiisa Kenya Monica Juma, taasoo sheegtay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in arrinta ICJ lagu dhameeyo qaab labada dhinac ku heshiiyaan oo la wada aqbali karo.

    Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ku adkeystay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay isla qaateen in Kiiska Badda loo daayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

    “horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

    Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale ka meer maaray inuu si toos ah uga Jawaabo su’aal ku saabsaneyd in laga heshiiyay dacwadii dhawaan Xukuumada Muqdisho ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirtay Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo oo mas’uuliyiin Kenyan ay jabiyeen xanibaadii dhinaca duulimaadyada toos ahaa ee Kismaayo.

    Hadal heyno badan ayuu dhaliyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ku qortay barteeda Twitter-ka, taasoo keentay su’aalo kala duwan oo ahaa waxa ay dowladda Kenya ku bedelatay, haddii wada hadalada kaliya ay ahaayeen in la soo celiyo xiriirka labada dal, in duulimaadka diyaaradaha ee tooska Nairobi u tagaya, iyadoo la joojiyo sii maristii Wajeer, in Visaha dal ku galka laga qaato garoomada Kenya, gaar ahaan baasaboorada Shaqaalaha iyo kan diblomaasiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.