Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashada Guddoomiye C/rashiid iyo Dabaal-daga Reer Sanaag!!+Faallo
    Somalia

    Doorashada Guddoomiye C/rashiid iyo Dabaal-daga Reer Sanaag!!+Faallo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 15, 2019Updated:November 15, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shalay loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaddib Doorasho gashay Labo wareeg ayna kula tartamayeen Labo Musharax.

    Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa 5 sanno ee ugu dambeysay kusoo biiray saaxadda Siyaasadeed ee Puntland, isagoona Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ka ahaa Madaxtooyadda Puntland xilligii Madaxweyne Gaas oo lagu tiriyo saaxiibadiisa dhow.

    Doorashada Abwaan C/rashiid iyo Doorka Bulshada Gobalka Sanaag.

    Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa degaan ahaan kusoo jeeda Gobalka Sanaag, isagoona bedelay Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo-daareed, oo xil ka qaadistiisii kaddib ka bilaabay Sanaag olale ka dhan ah Dowladda Puntland.

    Shacabka Reer Puntland ee Gobalka Sanaag ayaa soo dhaweeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mr. C/rashiid, oo saameyn weyn ku leh Degaanada Gobalka Sanaag.

    “Doorashada Guddoomiye C/rashiid waa mid fursad u ah Bulshada Puntland, gaar ahaan Shacabka Reer Sanaag oo uu u ahaa bud-dhigaha Hormarka Gobalka iyo fidiyaha Nidaamka Dowliga ah ee Puntland inuu gaaro Degaanada Gobalka Sanaag oo aysan hortii Xukuumadaha Puntland soo gaari jirin” ayuu yiri mid kamid ah Shacabka Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag oo ka hadlay Doorashadiisa.

    Waxaa uu intaas ku daray “Guddoomiye C/rashiid waxaa uu ahaa shaqsigii Hormuudka u ahaa Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, oo ah Mashruuca labaad ee ugu weyn Mashaariicda Reer Puntland ay ku dhisanayaan Isku-tashiga, waxaana Doorashadiisu inooga dhigan tahay Dardar-gelinta iyo Dhameystirkii Wadadaas oo maanta bilaabatay”

    Damaca Dhoobo-daareed iyo Doonista Reer Sanaag!

    Shacabka Reer Puntland ee Sanaag iyo Hoggaankooda dhaqanka ayaan marnaba la dhacsaneyn Hab-dhaqanka Guddoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Puntland Xildhibaan Dhoobo-daareed, kaas oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyay Madaxtooyadda Puntland iyo inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, kaas oo sababay ugu dambeyntii in xilka ay ka xayuubiyaan 49 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Puntland.

    Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa markii olalaha ugu jiray Kursiga waxaa uu ka balanqaaday Waxgaradka Gobalada Sanaag iyo Hayland inuu matalaad dhab ah ku sameyn doono Kursiga, uuna Hormarinayo Mashaariicda Puntland ay ka fuliso Degaanada uu kasoo jeedo, taas oo sida ay qabaan Odayaasha uu ka leexda una jiheystay iska horkeenida Dowladda iyo Shacabka Gobaladaas.

    Dhaqanka Gobalka Sanaag ayaa rumeysan in Hakadka ku yimid Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, Dhismaha xarunta Labaad ee Baarlamaanka Puntland ee Badhan, Isbitaalo, Iskuulo iyo Hormarinta Jaamacadda Maakhir uu sabab u ahaa Xildhibaan C/xakiin Dhoobo-daareed oo ku mashquulay fashilinta Hormarada Dowladda Puntland.

    “Annagaa Puntland dhisanay, waxaana u dhisanay inaan ku helno Nabad, Hormar iyo Barwaaqo intiina waan ku heysanaa, ma jirto cid naga dhaadhicin karta Puntland waa nilaga xogaa iyo u Hanqal taaga meel aan waxba idinka jirin, qofkii taa watana wuxuu been u sheegay Naftiisa” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobalka Sanaag.

    Shabakadda Idil News – Badhan – Sanaag – Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.