Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo Qatar ka wadda kulamo khatar ku ah Xasiloonida Dalka
    Somalia

    XOG: Ra’iisulwasaare Kheyre oo Qatar ka wadda kulamo khatar ku ah Xasiloonida Dalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilo-wadareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, uu magaalada Doxa ee dalka Qatar kula kulmay saraakiil u dhalatay dalka Ruushka.

    Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Saraakiisha Ruushka ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin wada-shaqeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda, iyo sidii Ruushku uu uga garab siin lahaa Dowladda Soomaaliya Ciidan daacad u ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

    Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa intaas u daraya in Ra’iisulwasaaraha iyo Saraakiisha Ruushka ay isla soo qaadeen sida ugu haboon ee doorashada 2020-ka ay ugu shuban laheyd xukuumadda hadda jirta.

    Dhinaca kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Qatar ay ugu deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qalab la sheegay in loo adeegsanayo doorashooyinka Dalka ee 2020-ka, isla markaana la soo raacsiiyay deeqdii dhawaan la keenay Magaalada Muqdisho, laguna wareejiyay Taliska ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee “NISA”. 

    Madasha Xisbiyadda Qaranka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhowaan ku eedeysay Madaxda Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar inay waddo qorshe ay ku afduubeyso Doorashada 2020-ka, ayna sameysatay Kooxo daacad u ah oo loo yaqaano XOOGAGA WADDANIYIINTA, si ay ugu shubato Doorashada Dalka.

    Sidoo kale, Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa uga digay Madaxda Dowladda Federaalka inay afduubaan Doorashada Dalka, waxaana ay sheegay in hadii ay taa isku daydo ay ka dhalan doonto Cawaaqib xumo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.