Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka tirsan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa la filaya inuu goor-dhow ka bilowdo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

    Kulankan oo ah mid horay loo sii iclaamiyay sidoo kalena ku imaaday dalab ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid Qado oo duhurkii ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweyn doono Madaxweynayaashii ka horeeyay.

    Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamada maanta looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida nooca doorashada 2020-ka iyo Raalli-gelin laga siiyo Xanibaadii la saaray Madaxweynayaashii Hore Safaradoodii         Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.

    Sidoo kale, Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadli doona dhismaha Maamulka Galmudug, arrinta maqaamka Gobolka Banaadir, waddooyinka xiran iyo sidii dowladda Federaalka u joojin laheyd xayiraada ay dowladdu saartay kulamada siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaqa xoriyadda siyaasiyiinta.

    Kulankan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa ah mid si weyn looga dareemay qabsoomidiisa Magaalada Muqdisho, waxaana 72 saac ee lasoo dhaafay Xarunta Villa Soomaaliya iyo Hoteelada Muqdisho ka socday kulamo looga arrinsanayo Shirkan, ayna si gaar gaar ah u lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaranka.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.